SummerWorks waa barnaamij xagaaga shaqo abuurka dhalinyarada loogu talagalay in lagu siiyo xirfado shaqo iyo waayo aragnimo dhalinyarada Louisville. Barnaamijyada shaqaalaynta dhalinyarada ee xagaaga waxay siinayaan faa'iidooyin badan dhalinyarada. Muddada-gaaban, tan waxaa ka mid ah ka-caawinta ka-qayb-galayaasha inay yeeshaan xiriir wanaagsan oo ay la yeeshaan dadka waaweyn iyo facooda, hagaajinta xirfadaha jilicsan iyo kuwa gaarka ah, helitaanka aqoonta fursadaha xirfadeed, iyo kobcinta dakhliga. Muddada dheer, tan waxaa ka mid ah kor u qaadista tacliinta iyo fursadaha shaqo.
KentuckianaWorks waxay la shaqeysay Xarunta Kentucky ee loogu talagalay Istaatistikada (KYSTATS) si loo baaro saameynta muddada-dheer ee kaqeybqaadashada SummerWorks. Qiimeynta ayaa muujineysa in kaqeybqaadashada SummerWorks ay laxirirto natiijooyinka hagaagay ee qalinjabinta dugsiga sare, diiwaangelinta dugsiga sare kadib, iyo shaqada. Ujeeddooyinka asaasiga ah ee cilmi baarista iyo natiijooyinka daraasaddan waa sida soo socota.
Barnaamijka SummerWorks waxaa loo muujiyey inuu yahay mid qiimo weyn ku leh adeegyada shaqo abuurka dhalinyarada magaalada. Waxay kuxirantahay kororka muddada-dheer ee helitaanka waxbarashada iyo shaqaalaynta kaqeybgalayaasheeda. Guud ahaan, barnaamijku wuxuu u adeegaa sidii qalab faa'iido leh oo lagu caawinayo dhalinyarada ku nool Louisville inay bartaan xirfadaha loo baahan yahay si ay ugu koraan goobta shaqada maanta. Guji hoos si aad u aqriso warbixinta oo dhameystiran.