Tababbarka Soo-saarista ee Bartayaasha Luqadda Ingiriisiga (M-TELL) ayaa ka qalin-jabisay fasalkeedii saddexaad bishii Maarso 23-keedii Xarunta Xirfadaha Waxsoosaarka Kentucky. Ka soo qeyb galayaasha ayaa waxaa ka mid ahaa 15 arday oo ka kala yimid wadamo ay ka mid yihiin Iraq, Somalia, Togo, Cuba, Brazil iyo the Democratic Republic of the Congo. Qaar badan oo ka mid ah ardayda qalin jabisay ee M-TELL ayaa horeyba u shaqeynayey, laakiin waxay iska qoreen tababarka si ay naftooda ugu meeleeyaan shaqooyin kormeerayaal leh mushaar badan.
Intii lagu guda jiray tababarkoodii seddex-toddobaadlaha ahaa, waxay ku barteen ereyada wax soosaarka oo ku qoran Ingiriisiga, waxay kasbadeen kaarkooda OSHA 10 iyo shahaadada forklift, waxayna horumariyeen xirfadahooda hogaamineed. Maalintii ugu dambeysay, waxay wareysiyo la yeesheen loo shaqeeyeyaasha wax soo saarka. Laba ka mid ah ardayda qalin jabisay ayaa durba bilaabay shaqooyin cusub!
Halkan guji si aad waxbadan uga barato M-TELL iyo ilaha kale ee badan iyo tababarada laga heli karo Xarunta Xirfadaha Waxsoosaarka Kentucky.